Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa Qasriga Lusail kulan kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, isagoo uga tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Aabihii Amiirkii hore Marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda Qatar xilligan murugada leh, isaga oo u rajeeyay Amiirka, qoyska boqortooyada iyo shacabka reer Qatar samir iyo iimaan, isla markaana Alle uga baryay marxuumka inuu ku waraabiyo janatul Firdowsa.

Dhankiisa, Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tacsida iyo garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...