Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Date:

Mas’uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay qorshaha ay Ku Doonayaan Hubinta iyo Tayada biyaha iyo muhiimada ay leedahay in la Iska kaashado in Dadka Ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay helaan Biya Nadiif Waxaana ay amaaneen doorka Shirkadaha Ama Warshada soo saaray Biyaha Saxansaxada ah, iyagoo muujiyay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Sheybaarka Gobolka Banaadir iyo Warshadahani.

Mas’uuliyiinta Warshadaha Soo saara Biyaha Sifeysan ayaa amaanay Dadaalka Sheybaarka Maamulka Gobolka Banaadir Soo kordhay Waxaana aan ka hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Wada shaqeynta Sheybaarka iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo soo bandhigay Caqabada Ka heysta Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaar, iyadoo Guddoomiye Ciise uu balanqaaday in cabashadooda uu wax Ka qabanayo.

Ugu dambeyntii Ku xigaha Duqa Magaalada ee Maamulka iyo Maaliyada ahna Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad EE Maamulka Gobolka Gobolka Benaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa amaanay Qubarada iyo howlwadeenada Sheybaarka Gobolka Benaadir Dadaalka ay ugu jiraan in Dadka Reer Muqdisho ay helaan Biyo Nadiif, Waxaana sidoo kale uu amaanay Warshadaha Soo saara Biyaha Sifeysan iyo daruufaha Adag ay Ku soo shaqeeyeen, isagoo Dul istaagay Muhiimada ay leedahay Wada shaqeynta Shirkadaha Biyaha ka shaqeeya Biyaha iyo Sheybaarka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...