𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo u oggolaanaya badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliyeed in loo dhoofiyo suuqyada Shiinaha iyagoo ka faa’iideysanaya canshuur-dhaaf buuxa.

Heshiiskan ayaa ah mid taariikhi u ah horumarinta waaxda kalluumeysiga Soomaaliya, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee badeecadaha kalluunka Soomaaliyeed ay si rasmi ah ugu helaan suuqa Shiinaha fursad canshuur-dhaaf ah, taas oo sare u qaadeysa tartanka iyo fursadaha dhoofinta ee kalluumeysatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysatada, ganacsatada iyo dhammaan daneeyayaasha waaxda kalluumeysiga. Wasiirku wuxuu xusay in heshiisku uu xoojinayo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana uu furayo bog cusub oo iskaashi iyo maalgashi oo faa’iido u leh labada dal.

Dhankiisa, Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa tilmaamay in heshiiskani uu fududeyn doono ganacsiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadi doono is-weydaarsiga ganacsiga iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale. Wuxuu sidoo kale sheegay in heshiisku uu faa’iido muuqata u yeelan doono shacabka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Heshiiskaan ayaa lagu daabacay Bogga Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, ayay waxay heshiiskan u aragtaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu kobcinayo dhoofinta badeecadaha Soomaaliyeed, lagu xoojinayo dhaqaalaha buluugga, laguna abuurayo fursado cusub oo shaqo iyo horumar dhaqaale oo waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...