Allahaa Unaxariisto Fanaankii Qaran Ee Cabdi Tahliil Warsame Oo Maanta Lagu Aasay Muqdisho “Sawirro”

Date:

Allah ha u naxariistee waxaa qabuuraha iskuul Buliisiyo ee magaalada Muqdisho maanta lagu aasay fanaankii weynaa ee Cabdi tahliil Warsame oo muddo ka badan 15 sano ku xanuunsanayay muqdisho.

Aaska Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa ka qeyb-galay maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada qaranka ,abwaano,fanaaniin iyo ehelada marxuumka.

Cabdiwali Maxamed Jaamac madaxa howl-galka ee hoballada Fanaaniinta ee Waaberi ayaa ka hadalay taarikhda allaha ha naxariistee marxuumka oo ay isla soo shaqeeyeen waxaane uu alle uga baryay in janadiisa ka waraabiyo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ehelada marxuumka ku booqday  gurigooda ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Fanaanka Heer Qaran Marxuum Cabdi Tahliil warsame.

Abwaan Saciid Maxamed Xarawo oo ay wehliyeen abwaano ka tirsan Hobalada Waaberi ayaa si lamid ah ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka .

Allahaa unaxariistee Fanaan Cabdi Tahliil Warsame ayaa ku dhashay deegaanka Wardheer sanadkii 1952-dii waxaana uu Dugsiga sare kaga baxay magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan isagoo ku biiray Kooxda Waaberi sanadkii 1971-dii.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...