Shirka Isku Xirka Laamaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Looga Hadlay Qodobo Dhowr Ah

Date:

Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col.Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta furay Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha iyo Xaafiisyada Hey’adda oo lagu qabtay nidaamka Fogaan aragga (Video Conference).

Agaasimaha Guud ee HSJ oo ugu horeyn shirka furay ayaa sharaxay ujeedada shirkaan loo qabto isagoo xusay in shirka isku xirka howlaha HSJ uu yahay shir 3-dii biloodba mar la qabto, Islamarkaana diiradda lagu saaro waxqabadka Hey’adda, caqabadaha ee Sedaxdii bilood ee la soo dhaafey iyo sidoo kale ansixinta qorashaha shaqo ee sadexda bilood ee soo socota.

Sidoo kale waxaa warbixin howleedka sadexdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha shaqo ee 3-da bilood ee soo socota shirka ku soo bandhigay loogana dhegeystay Agaasime waaxeedyada iyo masuuliyiinta laamaha ay Hey’addu ee ka howlgala Gobolada. Inkasta oo COVID19 saameyn ku yeeshey howlaha hay’adda hadana madaxda shirka ka qeybgashey dhamaantood ayaa muujiyay in inta badan qorsheyaashii hay’adda ee sedaxdii bilood ay fuleen.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa 3-dii bilood ee ugu danbeysay gudaheeda lagu soo kordhiyay Xafiisyo cusub ee Baasaboorka laga bixiyo kuwaas oo laga furay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay iyo Safaaradda Soomaaliya Switzerland ee Geneva, Xafiisyadaas cusub ayaa u adeegi doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee baahida u qabo helidda Baasaboorka Soomaaliya. Sidoo kale Hey’adda ayaa 3-dii bil ee ugu dambeyso hormarin iyo casriyeyn ku sameysay habka qaadashada Baasaboorka. Dhinaca kale saraakiisha iyo howlwadeenada hay’adda ayaa ka qeybqaatey howlihii gurmadka ee daadadkii saameeyey gobolada qaar.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Maxamed Aadan Koofi oo shirka soo xiray ayaa Agaasimayaasha laamaha, Waaxyaha iyo madaxda Xafiisyada kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan isla markaana fuliyaan habraacyada Caafimaadka ay soo saaraan Hey’adaha Caafimaadka dalka si looga hortago Faafitaanka Cudurka safmarka ah ee COVID-19. Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay in Wadamada caalamka ay dib u furayaan adeegyadooda Socdaalka ka hey’ad ahaanna loo baahanyahay in loo diyaar garoobo dib u furidda adeegyada ay hay’addu bixiso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka maaliyadda oo shirar muhiim ah uga qayb galay Washingtom dc

Iyada oo uu gabo-gabo ku dhaw yahay Shirka sanadlaha...

Wasiirka shaqada XFS oo shir-doceed la yeeshay wasiirka Shaqada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...