Wasaaradda Gadiidka Iyo Duulista Hawada XFS Oo Casriyeysay Adeegyada Gadiidka+Sawirro

Date:

Waaxda gadiidka rayidka ah ayaa lagu sameeyay isbedelka dhanka hormarinta adeegyada gadiidka dadweynaha si bulshada Soomaaliyeed loogu fududeeyo adeegyada ay u qabato.
Halkaan waxaa xarunta waaxda gadiidka rayidka ee wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada waxaana si maalinle ah u yimaada darawalada gadiidka kala duwan oo usoo doonta agabyada gadiidka sida sharciga wadiska gadiidka ee( leesinka).buuga gaariga iyo taargooyina.
Hase ahaatee warbaahinta qaranka ayaa booqtay howsha ka socoto inoo kula kulanay dhalinyaro badan oo usoo doontay dhameystirka sharciyada gadiidka waxaana ka mid ah Faarax saciid Cabdi oo ah wade gadiidka dadweynaha ee Caasimada waxa uu inoo sheegay in si fudud uu ku helay adeegyadii uu uga baahnaa isagaa gacanta ku heystay taargooyin iyo buugta gadiida ee uu usoo doonta .
“Waxaan ku helay maalin kale waana inoola fududeeyay maxaa yeelay marka hore kuma helin jirin waqti dhaw oo ciman waxaana uga mahadcelineynaa sida ay inoogu adeegto waaxda gadiidka rayid. Sidoo kale darawalada gadiidka waxaan u sheegayaa in la fududeeyay adeegyadii aan uga baahneen.ayuu ku daray Faraax Saciid Cabdi oo ah wade gadiid.
Mowliid Xuseen Cumar agaasimaha waaxda gadiidka rayidka ee wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa sheegay in casriyeen lagu sameeyay adeegyda waaxda si ay ula jaan qaado hay’addaha kale ee dhigeeda caalamka.
‘Waxaan casriyeen ku sameeynay guud ahaan adeegyada aan bixin sida leesinka oo ka dhignay laf iyo sidoo kale in aan fududeyno bixinta buuga gaariga iyo taargooyinka inooga shacabka ugu adeegeyno si xushmad leh iyo daacadnimo ku jirto”ayuu ku daray Mowliid Xuseen Cumar agaasimaha waaxda gadiidka rayidka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...