Khilaafkii Udhaxeeyay Madaxweyne Deni Iyo Kuxigeenkiisa Oo Xaliyay

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.
Sidoo kale madaxda sare Dowlad goboleedka Puntland waxay Bulshada ugu baaqeen inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, isla markaana meel ay uga soo wadajeestaan cadowga argagixisada , iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka , amniga iyo jiritaanka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...