Trump Oo Ku Hanjabay Inuu Ciidamo U Dirayo Goobaha Rabshadaha Ka Socdaan

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumo ayaa ku hanjabay in ciidamo milateri u dirayo goobaha ay ka soconayaan dibadyada rabshadaha wata ee ka socda qeybo ka mid ah dalka Mareykanka, kaddib dilkii George Floyd oo ahaa Madow Mareykan ah.

Trump ayaa ku eedeeyay maamulada gobolada ee ka jira goobaha dibadbaxyada ka socdaan ay ku fashilmeen ka hortagga dibadbaxyada, taasna ay keentay in Ciidamo milateri soo afjara rabashadaha inuu diro.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Milateriga si degdeg ah loo howliyay, si ay u soo afjaraan dibadbaxyada ku baahay magaalooyin ka tirsan dalka Mareykanka.

Kumanaan ruux ayaa illaa iyo hada loo xir xiray rabshadaha, waxaana dibadbaxyada ay saameeyeen isu socodka, waxaa la jabsaday oo la bililqeystay xarumo ganacsi, iyadoo goobo kale dab la qabadsiiyay.

Ku dhowaad 40 magaaloo ka tirsan Mareykanka ayay dibadbaxyada saameeyeen, waxaana ay muuqdaan kuwo sii xoogeysanaya, iyadoo dadweynaha ay si weyn uga caroodeen dilkii askari ka tirsan Ciidamada Booliska u geystay Goerge floyd.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...