Madaxweyne Waare Oo Golahiisa Wasiiradda Kala Hadlay Xaalada Baladweyne+Sawirro

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kula kulmay, xubno ka tirsan golaha wasiiradda Hirshabelle iyagoo ka wada hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada,

Sidoo kale  Waxaa Kulanka aad looga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgalinta barnaamijka Xalka Waara ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo golahiisa wasiirada ayaa sidoo kale isla soo qaaday dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne iyo sidii biyaha kusoo fatahay xaafada looga saari lahaa maaadaama isku socodka uu go’ay .

“Waxaan qorsheynay in mashaariic hormarineed aan ka fulino magaalada Baladweyne oo ay ka mid tahay inaan biyaha ka leexino magaalada si aan wax uga bedelmno fatahaadaha soo laa’laabtay iyo sidoo kale dhismaha garoonka diyaarahada Magaalada “ayaa logu yiri kulanka .

In kabadan 60 kun oo qoys ayaa ku barakacay magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan kadib fatahaaddii uu webiga Shabeelle ka geystay halkaasi.

waxaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-jaale iyo deegaano kale oo hoostada magalaada si aan uga badbaadaan biyaha baxa webiga Shabeelle uu ka wada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...