Warta Nabadda Oo Xalay U gudubay Wareegga Afar Dhammaadka Tartan Cilmiyeedka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee xalay ayaa waxaa kulankiisa 27-aad, wareeggiisa 3-aad kulankiisa 4-aad ku tartamay Degmooyinka Warta Nabadda Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah la qabanayo ayaa waxaa taaba gelineya maamulka Gobolka Banaadir.

Labada degmo ee Warta Nabadda Vs Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Warta Nabadda:- Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareertay dhigooda Kaxda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Kaxda:- Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya, iyagoo iska qalday Shan su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afar dhammaadka ee tartanka.

Ilaa iyo afar degmo ayaa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka, waxaana tartamayaasha ay isku arki doonaan sidan.

Dharkeynley vs Garbahaareey, halka Buurhakaba ay foodda is dari doonaan dhigooda Warta Nabadda.

Caawa haddii uu Alle idmo tartanka, waxaa tartami doona degmooyinka Dharkeynley Vs Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...