Maamulka Gobalka Banaadir Iyo Wasaarada Haweenka Oo Deeq Lacageed Gaarsiiyayย Qoysas Dan Yar Ah

Date:

Maamulka Gobalka Banaadir iyo Wasaarada Haweenka Ayaa deeq lacageed oo xaqul ciid ah gaarsiiyay ku dhowaad 200 oo qoys oo dan yar ah oo ku nool Magaalada muqdisho.

Deeqdan oo ka timid Hayโ€™adda Hormuud Foundation ayaa waxay ugu talo gashay dadka dan yarta ah oo iskugu jira dadka barakacayaasha iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba si ay ugu ciidaan maalinta ciidul fidriga oo ay maalmo kooban naga xigto

Guddoomiyaha Haweenka Gobalka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac (jawaahir Baarqab) oo u mahadcelisay hayโ€™addii bixisay lacagaha sadaqada ah ayaa sheegtayย  in la gaaray xilligii ay dadkaย  Soomaaliyeed isku tashan lahayeen oo ay is kaalmeen lahaayeen.

Munaasabadaan oo lagu kaalmeynayo dadka danyarta ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasaarada Haweenka iyo Maamulka Gobalka Banaadir qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Ururka Dhalliyarada Gobalka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...