Dowladda Soomaaliya Oo Agab Loogu Talo galay Ka hortagga Covid-19-ka Guddoontay Dowladda Qatar “Sawirro”

Date:

Diyaarad ciidan oo ay leedahay dowladda Qatar islamarkaana siday qalabka looga hortago faafitaanka cudurka COVID 19 ayaa galabta soo cago dhigatay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana deeqdaasi la wareegtay Wasiirka Wasaaradda C/fimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziyo Abuukar Nuur.

Munaasabadda agabka lagula wareegayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka iyo saraakiil ka socotay Safaaradda Qatar ee Muqdisho.

Fowziyo Abiikar Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo la wareegtay deeqda ayaa dowladda Qatar uga mahadcelisay kaalmadan oo ay tilmaantay in ay ku soo beegantay waqtigii loo baahnaa.

Deeqdan ka timid dowladda Qatar ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka Caronavirus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...