Caalamka Oo Tartan Adag Ugu Jira Soosaarista Tallaal Looga hortagi Karo Cudurka Corona.

Date:

Caalamka ayaa tartan uga jira sidii lo soo saari lahaa tallaalka Corona Virus xilli  Mareykanka iyo Yurub laga filayo in ay soo saarisaan tallaalka dabayaaqadka sanadkan.

Midowga Yurub  ayaa dhowaan ku dhawaaqay in dalalka Yurub ay fududeeyaan tallaabooyinka go’doominta ee loogu talo galay kahortaga faafida Cudurkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in uu rajeynayo in dalkiisa uu noqon karo kan ugu horeeya ee ku guleeysta soo saarista  tallaal loga hortagaya Corona Virus dhamaadka sanadkan.

Trump ayaa intaa ku daray in xukuumadiisa ay maalgashi ku saameyn doonaan  tallaalkan, isaga oo intaa raaciyay in la diiwaan galiyay 14 tallaal oo suurtagalin karo yareynta xanuunka COVID 19.

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli Sheybaaro oo caalami ah oo ku yaala dalalka Mareykanka, Yurub iyo Shiinaha ay tartan ugu jiraan soo saarista tallaalka virus, kaasi oo dabayaaqadkii sanadkii hore ka soo ifbaxay magaalada Wuhan ee Shiinaha. Cudurkani ayaa ka dib ku sii faafay qeybo kala duwan oo Caalamka ah.

Hay’adda Daawooyinka Yurub ee “Emma” ayaa sheegtay in ay suura gal tahay in ay soo saraan tallaal xakameeyn karo cudurka ‘Corona virus sanadka dambe.

Emma ayaa tilmaamtay in ay ku howlan tahay soo saarista tallaalka ka hortaga Covid 19,  iyaga oo kaashanaya 33-khubaro ah, isla markaana ay hay’addu tijaabineyso qiyaastii 115 dawo oo suurtagalin karto in looga hortago faafida xanuunkan.

Turkiga ayaa ku dhawaaqay bandoow cusub oo afar maalmood soconaya kaasi oo ka billaabanaya 15 gobol, waxayna tani ka mid tahay tallaabooyinka looga hortagayo faafitaanka fayraska Coruna, iyadoo 1,700 xaaladood iyo 48 kale Turkiga laga diiwaangeliyay saacadahii ugu danbeeyay.

Dhanka kale wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Masar, Kuwait, Baxreeyn iyo Al-jeeriya ayaa laga soo sheegaya xaalada cusub ay ka mid yihiin dhimasho iyo bukaano horleh uu soo ritay cudurkan iyadoo Tuniisiya ay diwaangelisay 3-xaaladood oo cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...