Maamulka Gobalka Banaadir Iyo Wasaarada Haweenka Oo Deeq Lacageed Gaarsiiyay Qoysas Dan Yar Ah

Date:

Maamulka Gobalka Banaadir iyo Wasaarada Haweenka Ayaa deeq lacageed oo xaqul ciid ah gaarsiiyay ku dhowaad 200 oo qoys oo dan yar ah oo ku nool Magaalada muqdisho.

Deeqdan oo ka timid Hay’adda Hormuud Foundation ayaa waxay ugu talo gashay dadka dan yarta ah oo iskugu jira dadka barakacayaasha iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba si ay ugu ciidaan maalinta ciidul fidriga oo ay maalmo kooban naga xigto

Guddoomiyaha Haweenka Gobalka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac (jawaahir Baarqab) oo u mahadcelisay hay’addii bixisay lacagaha sadaqada ah ayaa sheegtay  in la gaaray xilligii ay dadka  Soomaaliyeed isku tashan lahayeen oo ay is kaalmeen lahaayeen.

Munaasabadaan oo lagu kaalmeynayo dadka danyarta ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasaarada Haweenka iyo Maamulka Gobalka Banaadir qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Ururka Dhalliyarada Gobalka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...