Maamulka Gobalka Banaadir Iyo Wasaarada Haweenka Oo Deeq Lacageed Gaarsiiyay Qoysas Dan Yar Ah

Date:

Maamulka Gobalka Banaadir iyo Wasaarada Haweenka Ayaa deeq lacageed oo xaqul ciid ah gaarsiiyay ku dhowaad 200 oo qoys oo dan yar ah oo ku nool Magaalada muqdisho.

Deeqdan oo ka timid Hay’adda Hormuud Foundation ayaa waxay ugu talo gashay dadka dan yarta ah oo iskugu jira dadka barakacayaasha iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba si ay ugu ciidaan maalinta ciidul fidriga oo ay maalmo kooban naga xigto

Guddoomiyaha Haweenka Gobalka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac (jawaahir Baarqab) oo u mahadcelisay hay’addii bixisay lacagaha sadaqada ah ayaa sheegtay  in la gaaray xilligii ay dadka  Soomaaliyeed isku tashan lahayeen oo ay is kaalmeen lahaayeen.

Munaasabadaan oo lagu kaalmeynayo dadka danyarta ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasaarada Haweenka iyo Maamulka Gobalka Banaadir qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Ururka Dhalliyarada Gobalka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...