Kim Jun Un oo muddo labaatan cisha kadib warbaahinta dalka Kuuriyada Waqooyi ka soo muqday

Date:

Maxadwaynaha dalka Kuuriyada Waqooyi Ayaa warbaahinta ka soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan Cisho ah, sida ay soo tabisay warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha.

Shaqaalaha ku sugnaa warshadda uu xaraga ka jaray ay aad u farxeen markii ay arkeen hogaamiyahoodii  Kim Jon Un.

Kim Jon un ayaa mudooyinkii danbe waxaa ay warbaahinta caalamka soo tabiyneysayin u ku jiro xaaladdiisa  caafimaad aysan wanaagsanayn.

Wararka caafimaadkiisa saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sannad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada awoowgii oo ku beegneyd 15-kii bishii April.

Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska awowgii ayaa ah mid inta badan sii wayna loo maamuuso dalka Kuuriya Waqooyi taaso Usan sii sahlan uga maqnaan Karin xuuskaasi.

Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas ayaa waxaa adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim, waxaana sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah.

Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay.

Sanadkii 2014-kii, ayaa Kim Jong-un la waayay muddo 40 cisho ah, waxayna taas keentay in wax la iska weydiiyo halka uu ku sugan yahay.

Sidoo kale xilligaas waxaa soo baxay warar kale oo sheegayay in la afgembiyay.

Haseyeeshee, maalmo kaddib waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dalkaas.

Kim waxaa uu xilkaas ka dhexlay aabihii oo sanado badan hogaaminayay dalkaas, waxaana muuqata in dhaxalka dhanka xukunka ee dalkaas uu yahay mid uusan cid kale damac ka geli karin.

Gabadha ay walaalo yihiin Kim Jong-un oo lagu magacaabo Kim Yo-jong, ayaa u muuqata qofka iska leh dhaxalka dalkaas, maadaama ay walaalo yihiin, aadna ay ugu dhow dahay walalkeed. Waxaa sidoo kale la sheegaa in ay saameyn ku leedahay xukunka dalkaas.

Taliska dalkaas ayaa ah mid aad looga baqo halka shacabkuna ay dunida inteeda kale ka xirxiran yihiin, taasoo yareyneysa wararka laga heli karo gudaha dalka Kuuriyada Waqooyi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo 34 Sano kadib dib u howlgalisay Maamulka tooska ah ee Boostada Caalamiga ah 

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatey Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...

Xidhibaan Qawdhan oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka 

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda...