Duqeyn ka dhacday Shabeelaha hoose oo Khawaarijta lagu laayey

Date:

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda FS ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jamhuuriyadda Türkiye, ayaa subaxnimadii maanta duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka fuliyay deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo bartilmaameedsaday godad, kayd hub iyo goobo gabbaad u ahaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa lagu dilay ku dhowaad 35 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka in ka badan 20 kale ay soo gaareen dhaawacyo culus.

Duqeymaha kaddib, goobta la beegsaday waxaa ka dhacay qaraxyo waaweyn oo is xigxigay, kuwaas oo muujinaya inay ahayd meel loo adeegsado kaydinta hubka, walxaha qarxa iyo saanadda cadowga. Goobta waxaa sidoo kale ku sugnaa maleeshiyaad iyo gaadiid laga buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo loo diyaariyay fulinta falal argagixisanimo oo lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...