Kulan ku aaddan fududeynta adeegga Kaarka Aqoonsiga oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin ah oo ku saabsan fududeynta hirgelinta adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee dadka ku safraya gudaha dalka.

Kulanka waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday shirkadaha diyaaradaha iyo shirkadaha duulimaadyada gudaha, kuwaas oo kala hadlay doorka ay ku leeyihiin xaqiijinta aqoonsiga rakaabka ka hor inta aan loo oggolaan inay safraan.

Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay xog-ururin muujinaysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dadka isaga kala gooshaya gobollada dalka lagu xaqiijiyo xogtooda rasmiga ah, taas oo uu fududeynayo adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa shirkadaha diyaaradaha ka codsaday in qof kasta oo tigidh loo jarayo marka hore laga hubiyo inuu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isla markaana aan loo oggolaan safar qof aan wadan kaarkaas.

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA) iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay iska kaashanayaan fududeynta helitaanka adeegga aqoonsiga, iyagoo garoomada diyaaradaha ku diyaariyay xarumo u gaar ah diiwaangelinta iyo bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si qof kasta oo dhoofaya ama kasoo degaya garoonka uu si sahlan ugu helo adeegga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...