Khilaaf xooggan iyo is Qaarajin ka dhex bilaabatay hoggaanka Al-Shabaab

Date:

Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay qaarajisay Muuse Macallin (Mucaawiye) oo ahaa madaxii hore ee amniyaadka kooxda ee Muqdisho.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir ee Al-shabaab” ayaa lagu xusay qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaadka gobolka Banaadir ee Al- Shabaab, Cumar Maxamed, amarka dilkaas oo uu bixiyay horjoogaha Al-Shabaab Axmed Diiriye

NISA ayaa todobaadkii hore shaacisay in khilaaf xoogan uu soo dhex galay kooxda al-shabaab hogaankeeda sare,ka dib markii Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ,kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen kooxda.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay labada nin dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho sida lagu sheegay qoraalka NISA ay soo saartay todobaadkii hore, waxaana arinkaas dartii is casilay Muuse Macalin (Mucaawiye).

Bashiir Qoorgaab oo ahaa abaanduulihii ciidamada Al-shabaab kana mid ahaa ragga ka soo horjeestay amiirka kooxdaas,waxaa kadib lagu dilay duqayn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo sida uu sheegay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...