Khilaaf xooggan iyo is Qaarajin ka dhex bilaabatay hoggaanka Al-Shabaab

Date:

Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay qaarajisay Muuse Macallin (Mucaawiye) oo ahaa madaxii hore ee amniyaadka kooxda ee Muqdisho.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir ee Al-shabaab” ayaa lagu xusay qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaadka gobolka Banaadir ee Al- Shabaab, Cumar Maxamed, amarka dilkaas oo uu bixiyay horjoogaha Al-Shabaab Axmed Diiriye

NISA ayaa todobaadkii hore shaacisay in khilaaf xoogan uu soo dhex galay kooxda al-shabaab hogaankeeda sare,ka dib markii Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ,kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen kooxda.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay labada nin dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho sida lagu sheegay qoraalka NISA ay soo saartay todobaadkii hore, waxaana arinkaas dartii is casilay Muuse Macalin (Mucaawiye).

Bashiir Qoorgaab oo ahaa abaanduulihii ciidamada Al-shabaab kana mid ahaa ragga ka soo horjeestay amiirka kooxdaas,waxaa kadib lagu dilay duqayn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo sida uu sheegay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa “Maanta shuruucdii adduunka waa dhammaatay,dalna ma jiri karo haddii uusan lahayn awood ciidan oo looga cabsado”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka K/Galbeed oo la kulmay saraakiisha amniga

Hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...