Biyo laโ€™aan soo wajahday dadka ku nool deegaan dhaca waqooyiga Mudug+Sawirro

Date:

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jilible hayre ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in biyo laโ€™aan daran ay ka jirto deegaanka dadkuna aysan heysan biyo ku filan.

Guddoomiyaha Jilible heyre ee waqooyi bari ee gobolka Mudug Cali Axmed Jaamac oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in biyo laโ€™aantu ay dadka soo wajahday kadib markii uu jabay ceelka deegaanka.

Qaar kamid ah dadka shacabka ah ee nool deegaanka ayaa walaac ka muujiyay xaalada soo wajahday, iyagoo cid kasta oo wax ka qaba karta ka codsaday in loo gurmado.

Guddoomiyaha deegaanka Jilible heyre ayaa maamulka Galmudug,Hayโ€™adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo dowladda dhexe ugu baaqay in si deg deg ah xaaladaas wax looga qabto maadaama xaalad bini aadanimo ay ka jirto deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...