Qaramada midoobay oo walaac ka muujisay xaaladda qaxootiga ku xaniban xuduudka dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Date:

Bayaan kasoo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay xaaladda ka aloosan xuduudka Turkiga iyo Giriiga, iyadoo tusaale usoo qaadatay dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay goobaha ay dadka qaxootiga ah ay joogaan, waxayna ku tilmaamtay kuwo kasoo horjeeda xuquuqda aadanaha.

Hay’adda qaxootiga ee qaramada midoobay ee UNHCR  ayaa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay waxyaaladiii u danbeeyey ee lagu sameeyey dadka qaxootiga ah ee  doonayay in ay u  gudbaan  dalalka Yurub.

Qaramada midoobay waxay ugu baaqday masuuliyiinta dawladda Giriiga inaysan isticmaalin rabshado xad dhaaf ah oo ka dhan ah muhaajiriinta, sidoo kale waxay ugu baaqday dadka  muhaajiriinta ah inay ixtiraamaan amniga xuduudaha u dhexeeya labada waddan .

Dhanka kale, af hayeenka sanduuqa qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF  Marixi Mercado ayaa waxay sharraxday in dadka tahriibayaasha ah ee ku sugan xadka Turkiga iyo Giriiga ay %40 ay yihiin haween iyo carruur loona baahan yahay in aan dhibaato loo gaysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...