Hirshabeelle Oo Sheegtay In Dhismaha Golaha Deegaanka Ay Meel Wanaagsan Marayaan

Date:

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Axmed Bariise Xeydar ayaa sheegay in lagu guuleystay xal u helidda caqabadihii hortaagnaa dhismaha Golaha deegaanka ee Degmada Buulo-Burde.

Wasiir ku xigeeka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr.Maxamed Cabdi Waare  iyo wafdi uu hogaaminaayey o maalmahaan ku sugnaa Degmada  Buulo Burde,  ay kulammo gaar gaar ah la yeesheen hogaamiyaasha qeybaha bulshada,isla markaana la isku afgartay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi.

Axmed Bariise Xeydar, Wasiir ku xigeenka waxa uu hoosta ka xariiqay in la xalliyay tabashooyin ku aadaanaa dhismaha golaha deegaanka,isagoo ka codsaday qeybaha bulshada in ay garab ku siiyaan maamul u sameynta degmadaasi si ay helaan adeegyada lagama maarmaanka u ah horumarkoda.

Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Axmed Bariise Xeydar ayaa sheegay in dhismaha degmada Buulo Burde oo maraya meel wanaagsan ka dib loo gudbi doono maamul u sameynta degmooyinka Baladweyne iyo Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...