Midowga Afrika & QM Oo Tababar Ufidinaya 300 Oo Askari Oo Kamid Noqonaya Ciidamada Daraawiishta Heer Federaal.

Date:

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, Midowga Yurub iyo QM ayaa sheegay in ay billaabeen tababar gaar ah oo la siinayo 300 askari oo Booliis ah kuwaasi oo kamid noqonaya kuwa booliiska Daraawiishta ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah cutub loo tababaray xirfado gaar ah oo ku aadan suggidda amniga dalka.

Augustine Magnus Kailie, Oo ah Taliyaha Booliiska Amisom ayaa sheegay in tababarkan uu yahay mid muhiim u ah wax ka bedelka muuqaalka Xoogaga Ciidamada Booliiska ee Soomaaliya (SPF) in ay yeeshaan awood ay ku illaalin karaan amniga dadka Soomaaliyeed.

Bayaan ayaa ku sheegay bayaan ay soo saartay Amisom lagu sheegay “Marka aan caawinayno, inaan dhigno awoodda waa inaad u istaagtaa diyaarna u noqotaa si aad u aragto sida wanaagsan oo wax looga bedeli karo waayo aragnimadii hore lana taageero waxaad kuusoo baxaya oo aad helaysaa sida kuwa Daraawiishta gaarka ah oo kale, si aad u difaacdo dadka Soomaaliyeed,”

Tababarka ayaa waxaa fulinaya barnaamijka wadajirka booliiska ee Amisom, Midowga Yurub iyo QM.

Barnaamijka wadajirka ah ee ciidamada booliiska oo ah mid soo socday muddo shan sano ah ayaa lagu taageerayay si loo sii kordhiyo awoodda muuqaal ee joogista iyo tan la xisaabtanka hirgelinta habka cusub ee boliiseeynta ee Ciidamada booliiska ee Soomaaliya ee dowladda Federaalka iyo gobollada xubnaha ka ah ee maamul gobolleedyada.

Cabdi Xassan Maxamed, oo ah taliye ka tirsan saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dowladda ku dhaqaaqday sidii ay kusoo nooleyn lahayd Qeybta Gaarka ah ee Ciidamada Booliiska Daraawiishta iyadoo loo qorayo askar baaxad leh lana siinayo tababar cusub inta lagu gudo jiro sanadkan 2020.

“Dhammaadka tababarkan, ciidamada gaarka ah ee booliiska waxaa kamid ah kuwa Haramcadka, Daraawiishta iyo kuwa Birmad-ka ayaa waxa ay noqon doonaan kuwa si buuxda loo qalabeeyo iyadoo awoodoodana laysu geyn doono  waxaana ay matali doonaan xoogga ugu muhiimsan oo illaalin kara xarumaha dadweynaha”, sidaasi waxaa sheegay Cabdi Xasan Maxamed oo hadalkan jeediyay xilligii furitaanka xafladdan oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dhammaadka tababarka, Qeybta Ciidamada booliiska ayaa lagu biirin doonaa xoogga ciidamada booliiska waxaana loo daadgureyn doonaa dhammaan maamul gobolleedyada xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...