Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Maanta La Filayo In Ay Ansixiyaan Miisaaniyadda 2020

Date:

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah la filayaa inay wadajir u ansixiyaan Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

Ansixinta miisaaniyaddan ayaa ku soo beegmaysa maanta oo ah maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka  2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

Xildhibaannada labada ayaa maalmihii la soo dhaafay su’aalo ka weydiinayay miisaaniyadda Wasiirka Maaliyadda, waxaana su’aalaha ay u badnaayeen sida loo isticmaalayo iyo qarashaadka loo qoondeeyay hay’adaha dowladda, iyadoo ay xusid mudan tahay in mushaarka ciidamada la kordhiyay, lana gaarsiiyay illaa $200 bil walba.

Ansixinta Miisaaniyadda ayaa noqon doonta tii u horeysay oo ay wadajir u ansixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo horay ay Miisaaniyadda u ansixin jireen Golaha Shacabka oo kaliya

Miisaaniyadda sanakda 2020 ayaa gaaraysa $459.5 Milyan, waxayna ka kooban tahay dakhliga gudaha iyo deeqaha dibadda ka imaanaya ee lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda Federaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...