Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Maanta La Filayo In Ay Ansixiyaan Miisaaniyadda 2020

Date:

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah la filayaa inay wadajir u ansixiyaan Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

Ansixinta miisaaniyaddan ayaa ku soo beegmaysa maanta oo ah maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka  2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

Xildhibaannada labada ayaa maalmihii la soo dhaafay su’aalo ka weydiinayay miisaaniyadda Wasiirka Maaliyadda, waxaana su’aalaha ay u badnaayeen sida loo isticmaalayo iyo qarashaadka loo qoondeeyay hay’adaha dowladda, iyadoo ay xusid mudan tahay in mushaarka ciidamada la kordhiyay, lana gaarsiiyay illaa $200 bil walba.

Ansixinta Miisaaniyadda ayaa noqon doonta tii u horeysay oo ay wadajir u ansixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo horay ay Miisaaniyadda u ansixin jireen Golaha Shacabka oo kaliya

Miisaaniyadda sanakda 2020 ayaa gaaraysa $459.5 Milyan, waxayna ka kooban tahay dakhliga gudaha iyo deeqaha dibadda ka imaanaya ee lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda Federaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...