Maxaa Laga Fahmi Karaa Sheegashada Al-shabaab Ee Xasuuqii Muqdisho.?

Date:

Maalmo ay maleeshiyada Alshabaab la aamusnaayeen sheegashada Qaraxii ay ku xasuuqeen ku dhawaad 100 qof oo rayid ah waxay qirteen inay masuul ka ahaayeen weerarka.

Cod laga soo duubay Afhayeenka Argagixisada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo la baahiyay ayaa waxaa ka muuqatay sida Argagixisadu ay ugu faraxsantahay daadinta dhiiga Dadka Soomaaliyeed.

Hadaba maxay yihiin Arrimaha ugu waawayn ee laga fahmi karo sheegada Alshabaab.?

-Waxeey qirteen xasuuqa dad biramagayda ah oo u badnaa danyar,

Iyadoo la ogyahay in maleeshiyadaan ay ka  dhuuman jirtay sheegashada xasuuqyadaan oo kale marka ay geystaan sida xasuuq 14 October laakiin maanta waxay marayaan heer ay ku faanaan leenta shacabka.

– Waxay muujiyeen sida ay u banaysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxayna been ka sheegeen ayaadaha Qur’aanka iyo Axaasiis ay si khalad ah ugu qiilsadeen gefkooda.

– waxeey muujiyeen in ay Turkida kula dagalaansanyihiin adeegyada horumarineed ee ku taageerayaan dadka Soomaaliyeed.

Hadaba Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed.?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho  ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay dhexdooda is cafiyaan, sidoo kalana cadowgooda ay hal meel uga soo wada jeestaan.

Sheekh Cali Maxamuud “Sheekh Cali Wajiis” ayaa sheegay in Argagixisada Al-Shabaab haatan ay meeshii ugu danbaysay marayso taas oo keenaysa in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan inay halmeel ugu soo wada jeestaan dhagartooda.

Sheekha ayaa sheegay in dhaqanka bahalnimada ah ee Al-Shabaab aanan indhaha laga qabsan Karin, haatan wixii ka danbeeyana loo baahanyahay in dowladda iyo Shacabka  ay ka wada shaqeeyaan ka hortaga maleeshiyadaan Diinta ku soo duushay.

“Waxaa ayaan daro ah in maleeshiyadaan ay ku dhiiranayaan inay ku faanaan xasuuqa ku dhowaad 100 Qof oo shacab ah, iyagoo waliba anaan sheegayn inay wax gacan ah siinayaan dadka dhaawacyada ah.” Sidaasi waxaa yiri Aqoonyahan Cabdicasiis Axmed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...