Maxaa Laga Fahmi Karaa Sheegashada Al-shabaab Ee Xasuuqii Muqdisho.?

Date:

Maalmo ay maleeshiyada Alshabaab la aamusnaayeen sheegashada Qaraxii ay ku xasuuqeen ku dhawaad 100 qof oo rayid ah waxay qirteen inay masuul ka ahaayeen weerarka.

Cod laga soo duubay Afhayeenka Argagixisada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage โ€œCali Dheereโ€ oo la baahiyay ayaa waxaa ka muuqatay sida Argagixisadu ay ugu faraxsantahay daadinta dhiiga Dadka Soomaaliyeed.

Hadaba maxay yihiin Arrimaha ugu waawayn ee laga fahmi karo sheegada Alshabaab.?

-Waxeey qirteen xasuuqa dad biramagayda ah oo u badnaa danyar,

Iyadoo la ogyahay in maleeshiyadaan ay kaย  dhuuman jirtay sheegashada xasuuqyadaan oo kale marka ay geystaan sida xasuuq 14 October laakiin maanta waxay marayaan heer ay ku faanaan leenta shacabka.

โ€“ Waxay muujiyeen sida ay u banaysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxayna been ka sheegeen ayaadaha Qurโ€™aanka iyo Axaasiis ay si khalad ah ugu qiilsadeen gefkooda.

โ€“ waxeey muujiyeen in ay Turkida kula dagalaansanyihiin adeegyada horumarineed ee ku taageerayaan dadka Soomaaliyeed.

Hadaba Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed.?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay Radio Muqdishoย  ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay dhexdooda is cafiyaan, sidoo kalana cadowgooda ay hal meel uga soo wada jeestaan.

Sheekh Cali Maxamuud โ€œSheekh Cali Wajiisโ€ ayaa sheegay in Argagixisada Al-Shabaab haatan ay meeshii ugu danbaysay marayso taas oo keenaysa in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan inay halmeel ugu soo wada jeestaan dhagartooda.

Sheekha ayaa sheegay in dhaqanka bahalnimada ah ee Al-Shabaab aanan indhaha laga qabsan Karin, haatan wixii ka danbeeyana loo baahanyahay in dowladda iyo Shacabkaย  ay ka wada shaqeeyaan ka hortaga maleeshiyadaan Diinta ku soo duushay.

โ€œWaxaa ayaan daro ah in maleeshiyadaan ay ku dhiiranayaan inay ku faanaan xasuuqa ku dhowaad 100 Qof oo shacab ah, iyagoo waliba anaan sheegayn inay wax gacan ah siinayaan dadka dhaawacyada ah.โ€ Sidaasi waxaa yiri Aqoonyahan Cabdicasiis Axmed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...