Soomaaliya iyo K/Sudaan oo kawada hadlay badqabka ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudaan danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Jubba kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Koonfurta Sudaan Michael Chiangjiek iyadoo kulankaas ay labada masuul uga hadleen arrimo muhiim ah.

“Waxaan xafiiska kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Koofurta Sudan oo aan ka wada hadalnay xiriirka labada dal, xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta Sudaan,gaar ahaan kuwa ku ganacsada Suuqyad isku raranta ah oo hadda la damacsanyahay in la dumiyo iyo sidii goob kale loogu heli lahaaa” ayuu yiri Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay warbaahinta Qaranka.

Soomaali badan ayaa ku ganacsta dalka Koonfurta Sudaan kuwaas oo xiliyadda qaarna lakulma dhibaatooyin kala duwan oo dhinacyo badan kaga yimaada, balse madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas ayaa dadaal ugu jirta sidii gabi ahaanba arrimahaas oo dhan loo soo afjari lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...