Caruur ku geeriyootay deegaanka Aato ee gobolka Bakool

Date:

Ilaa 7-da caruur ah ayaa la sheegayaa in cuddurka shuban biyoodka uga dhinteen deegaanka Caato oo ka tirsan gobolka Bakool mudo 48 saacadood gudohood ah.

Waxaa geerida  7-da caruurta ah inoo xaqiijiyey Guddoomiyaha deegaanka Aato Dubad Xasan Cali oo wareysi dhanka khadka telefoonka ah layeelanay isagoo ku sugan deegaanka Caato ee gobolka Bakool oo dhibaatadu ka dhacday.

Dhinaca kale kusimaha Guddoomiyaha gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snake) ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ka dilaacay deegaano badan oo katirsan gobolka Bakool.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhintay iyo dad badan oo uu soo ritay wuxuna baaq u diray Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradaha ay khuseyso iyo hay’adaha Samafalka.

Deegaanada qaarkood oo shuban biyoodku ka dilaacay ayaa lasoo sheegayaa in xaalada dadka aad u liidato ka hortaguna uu waad u yar yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...