Aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta Doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay

Date:

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kaashanaya hay’adda IESG ee ka taageerta arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa ku qabtay xarunta Guddiga, aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta iyo horumarinta xiriirka daneeyeyaasha doorashooyinka.

Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa casharro muhiim ah ka bixiyay Mr. Judge kriegler, Guddomiyihii hore ee Guddiga doorashooyinka dalka Koonfur Africa sannadkii 1994-tii ahna khabiir ku xeel dheer hirgelinta doorashooyinka wadamada ka soo kabanaya colaadaha sokeeye.

Kulankan ayaa waxaa diirrada lagu saarayaa hannaanka shaqo hufnaan iyo dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay Guddi Doorasho.

“Waxaad ku hirgelin kartaan doorashooyin la aqbalo natiijada ka soo baxda markii aad ku guulaysataan kalsoonida daneeyaasha siyaasadeed iyo shacabka” Ayuu yiri Mr. Kriegler.

Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka dalka Koonfur Africa ayaa aad ugu adkeeyey Guddiga in ay dhisaan hannaanka xiriirka iyo xallinta khilaafaadka doorashoyinka inta aysan guda gelin howlaha doorashooyinka.

Ka qaybg galayaasha aqoon iswaydaarsiga ayaa wax ka waydiiyay khabiirka arrimo la xiriira habka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgala dalka iyada oo ay jiraan duruufo u gaar ah dalka Soomaaliya.

Aqoon iswaydaarsigaan oo socon doona ilaa 4ta bisha Disembar 2019 ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga, Xoghayaha guud iyo Agaasimeyaasha iyo lataliyaasha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...