R/wasaare Kheyre oo sheegay in muddo labo bil ah lagu soo gaba-gabeeyn doono Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,(XFS) mudane, Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye lagu soo gaba- gabeeyn doono muddo laba bil ah.

Ra,iisul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Argagaxisadu ay isku dayday in ay joojiso dhismaha ka socda Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, isla markaana Ciidamada Qalabka sida ay fashiliyeen isku day weeraro ay maleeshiyadu ku soo qaaday Injineerada ku howlan dhismaha Waddada.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaan ogoleen horumarinta dalka iyagoo kasoo horjeeda dib u dhiska dalka, waxaa uuna Ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan argagaxisada si looga guuleysto.

Wadadaan ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iskaga kala goosha Muqdisho iyo Gobolada dalka, waxeyna kordhinaysaa kobaca dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...