Aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta Doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay

Date:

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kaashanaya hay’adda IESG ee ka taageerta arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa ku qabtay xarunta Guddiga, aqoon iswaydaarsi ku saabsan hufnaanta iyo horumarinta xiriirka daneeyeyaasha doorashooyinka.

Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa casharro muhiim ah ka bixiyay Mr. Judge kriegler, Guddomiyihii hore ee Guddiga doorashooyinka dalka Koonfur Africa sannadkii 1994-tii ahna khabiir ku xeel dheer hirgelinta doorashooyinka wadamada ka soo kabanaya colaadaha sokeeye.

Kulankan ayaa waxaa diirrada lagu saarayaa hannaanka shaqo hufnaan iyo dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay Guddi Doorasho.

“Waxaad ku hirgelin kartaan doorashooyin la aqbalo natiijada ka soo baxda markii aad ku guulaysataan kalsoonida daneeyaasha siyaasadeed iyo shacabka” Ayuu yiri Mr. Kriegler.

Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka dalka Koonfur Africa ayaa aad ugu adkeeyey Guddiga in ay dhisaan hannaanka xiriirka iyo xallinta khilaafaadka doorashoyinka inta aysan guda gelin howlaha doorashooyinka.

Ka qaybg galayaasha aqoon iswaydaarsiga ayaa wax ka waydiiyay khabiirka arrimo la xiriira habka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgala dalka iyada oo ay jiraan duruufo u gaar ah dalka Soomaaliya.

Aqoon iswaydaarsigaan oo socon doona ilaa 4ta bisha Disembar 2019 ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga, Xoghayaha guud iyo Agaasimeyaasha iyo lataliyaasha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duleedka Baraawe

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...