Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha Daryeelka Bulshada ee Geneva

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiir Warfaa ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray dadaallada ay dowladda Federaalka ah ku dooneyso in si isku mid ah loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed barnaamijka Daryeelka bulshada oo waara.

“Iyadoo aanu taageero ka helayo bah-wadagteenna horumarinta, waxaan bilownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah si aan u hirgalinno Nidaam daryeelka Bulshada – oo waafaqsan Xeerka Daryeelka Bulshada ee Qaranka…Marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsanahay in bishii Luulyo 2019-ka -Guddiga fulinta ee hay’adda lacagta adduunku (IMF)  ay kulmeen si ay u soo gabagabeeyaan la tashiga qodobka 4aad ee ku saabsan Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaabdhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- afaraad – ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta sare. ”

” Xafiiska Ra’iisul wasaaraha (tubtiisa Horumarinta Bulshada iyo Horumarinta Dhaqaalaha) ayaa horey u muujiyay in maalgashiga waaxaha bulshada, gaar ahaan daryeelka bulshada iyo biyuhu ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran ka dib deyn cafinta.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wuxuu rajo wanagsan ka muujiyay dadaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro.

“Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena Daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan Daryeelka bulsho ee waara – waxaanuna  ka faa’iideysan doonaa dhammaan kheyraadkayaga oo aanu  u adeegsan doono sidii loo hubin lahaa in la gaaro Mabda’a ‘Cidna inaan laga tagin’ iyadoo looga faa’iideynayo inta nugul marka hore.” ayuu ku daray.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyaasha ururro caalami ah,iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...