Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha Daryeelka Bulshada ee Geneva

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiir Warfaa ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray dadaallada ay dowladda Federaalka ah ku dooneyso in si isku mid ah loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed barnaamijka Daryeelka bulshada oo waara.

“Iyadoo aanu taageero ka helayo bah-wadagteenna horumarinta, waxaan bilownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah si aan u hirgalinno Nidaam daryeelka Bulshada – oo waafaqsan Xeerka Daryeelka Bulshada ee Qaranka…Marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsanahay in bishii Luulyo 2019-ka -Guddiga fulinta ee hay’adda lacagta adduunku (IMF)  ay kulmeen si ay u soo gabagabeeyaan la tashiga qodobka 4aad ee ku saabsan Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaabdhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- afaraad – ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta sare. ”

” Xafiiska Ra’iisul wasaaraha (tubtiisa Horumarinta Bulshada iyo Horumarinta Dhaqaalaha) ayaa horey u muujiyay in maalgashiga waaxaha bulshada, gaar ahaan daryeelka bulshada iyo biyuhu ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran ka dib deyn cafinta.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wuxuu rajo wanagsan ka muujiyay dadaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro.

“Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena Daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan Daryeelka bulsho ee waara – waxaanuna  ka faa’iideysan doonaa dhammaan kheyraadkayaga oo aanu  u adeegsan doono sidii loo hubin lahaa in la gaaro Mabda’a ‘Cidna inaan laga tagin’ iyadoo looga faa’iideynayo inta nugul marka hore.” ayuu ku daray.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyaasha ururro caalami ah,iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...