Ciidamada Israel ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Jihaadul Islaam ee ay taageeraan Iiraan Ka dib weerar ka dhacay Marinka Gaza oo lagu bartilmaameedsaday ninkaasi.
Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Baha Abu Al-Atta, ayaa dhacay xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo sida la sheegay ku yaala degmada Shejaia ee Gaza waxaana sidoo kale duqeyntaasi lagu dilay haweeneey, halka uu dhaawac soo gaaray laba ruux oo kale .
War murtiyeed ay soo saarteen Kooxda reer Falastiin ayaa maanta lagu xaqiijiyay geerida sarkaaalkaasi oo da’diisa lagu sheegay 42-sano jir.
Duqeyntaasi ka dib tiro gantaallo ah ayaa lagu weeraray deegaannada dadka Yuhuudda ee ku dhow Gaza, mana jiraan faah-faahin ku saabsan khasaaraha gantaaladaasi oo ka yimid madaxda Israa’il.