Marwada 1-aad Oo Mareykanka Ka Bilowday Qaylo Dhaaanta Gurmadka Fatahaadaha “Sawirro”

Date:

Seynab Cabdi Macalin, oo ah marwada Koowaad ee Dalka ayaa Gobollada dalka Mareykanka ka bilowday Olole loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed oo ay dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ay Webiyada iyo Roobabka oo is-biirsaday ay ka geysteen Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Ololahan oo qeyb ka ah haweenka iyo dhallaanka kuwaasi oo ah dadka ugu nugul ee bulshada ayna saameyn xoog leh ka soo gaarteen fatahaadaha, iyagoo u baahan gurmad deg-deg ah.

Marwada oo la hadleysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Columbus ee Mareykanka ayaa la wadaagtay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen, waxa ayna sidoo kale uga warbixisay dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu gurmadeen.

“Dadka Soomaaliyeed waligoodba waxay caan ku ahaayeen is taakuleynta, maantana ku maba sii jirto oo 70-kun oo qoys wax ka badan ayaa magaalooyinkaasi ka barakacay. Maanta oo kale waxaa na looga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadkaas.”

Marwada ayaa bogaadisay isku duubnida Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobollada Maraykanka waxaana ay tilmaamtay in dadaalkeeda ku aaddan howlaha gurmad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka uu yahay mid sii kaabi doona qorsheyaasha Qaran ee lagu samata bixinayo dadka dhibaataysan.

Olalaha Marwada Koowaad ayaa ah in ay in la gaarsiiyo gobollada kale ee dalka Maraykanka, si loo dardargeliyo dadaallada wax-ku-oolka ah ee dib loogu dhisayo nolasha dadkii ay saameeyeen fatahaaduhu, gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Colombus ayaa inta ay socotay munaasabaddu waxa ay iska uruuriyeen lacag dhan $137,000 (boqol, soddon iyo toddoba kun oo doollar) oo si deg-deg ah loo gaarsiin doono magaalooyinka Beledweyne, Bardaale, Baardheere iyo deegaannada kale ee ay fatahaaduhu saameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...