Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo ku heshiiyay isticmaalka Dayax gacmeed.+Sawirro.

Date:

Dowladaha soomaaliya iyo Qatar ayaa heshiis iskaashi oo dhinaca tiknoolajioyadda ah ku gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka ah soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo gaar ah magaalada Dooxa kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Mudane Jassem bin Saif Al Sulaiti iyo xubno kale oo dowladdaasi ka mid ah.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay heshiisyo hore iyo kuwa cusub oo ay yeeshaan iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda casriga ah iyadoo si dhaw looga wada shaqeynayo, isla markaan maalgalin iyo horumarin dhinaca kaabayaasha Isgaarsiinta dalka iyo tababaridda iyo tayeynta awoodda shaqaalaha Isgaarsiinta guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn kulamada  labada Wasiir ayaa kusoo dhammaaday Is af-garad iyaga oo heshiis ka gaaray in ay muhiim ay tahay iskaashi ay yeeshaan labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha Isgaarsiinta casriga ah iyo arrimaha Tiknoolajiyadda ah isla markaana ah qorshaha wasaaradda Boostada ee shanta sano ee soo socota.

Labada wasaaradood ayaa ugu dambeyn kala saxiixday heshiis gaar ah oo dhinaca tiknoolajiyadda ah kaas oo ah isticmaalka Dayax gacmeed loo adeegsado arriimaha isgaarsiinta Soomaaliya, heshiiskan oo uu Soomaaliya u saxiixay Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka  mudane Cabdi Sheekh Axmed isla markaana ay goobjoog ka haayeen labada wasiir oo heshiiskaasi gaaray iyo mas’uulka u saxiiyay Qatar.

“Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiir Canshuur.

Wafdigan oo uu Waiirku hoggaaminayo muddadii u ay joogeen dalkaasi waxaa ay ka qeyb galeen bandhiyo dhowr ah oo ku saabsan baahida ay qabi karaan dalalka soo koraya isla markaana danaynaya sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen, Soomaaliya ayaa sanadihii dambe si dardar ah uga dhex muuqatay waddamada gobolka iyo guud ahaan dunida kadib markii ay ka baxday xilliyadii adkaa oo ay muddo kusoo jirtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...