Wasiir Maareeye”DFS waxaa ka go’an ilalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed.

Date:

Wasiirka  Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaal Soomaaliya mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id uu kaga hadalayay qiimaha ay leedahay maalinta 2-da November  oo caalamku u asteeyay  maalinta Badqabka Suxufiyiinta  ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Soomaaliya ay tahay in la cirib tiro ku xadgudubka wariyaha iyo dhammaan dambiyada kale ka dhanka ah warbaahita xorta ah.

“2-da November 2019 waxay ku beegen tahay maalinta  adduun waynaha  iyo bahda warbaahinta,Ururadoodu ay ku qiimeeyaan qaabka dowladuhu uga hortagaan ama ula xisaabtamaan  xadgudubka iyo  dambiyada laga galo wariyaha iyo warbaahinta xorta ah, inkastoo dalkeenna  Soomaaliya weli yahay  wadan dhib ka soo  gaaro  wariyaha ama kasoo gaari karo maadama ay ka howlgasho argagixisada caalamiga ah,dhinaca kalena aan weli adkayn hirgalinta amarka iyo kala dambaynta dalka  maadama dalkeennu  yahay  wadan kasoo kabanaya burbur dowladnimo, xukunkuna  aan weli si baahsan oo siman dalka oo dhan iskugu  xirnayn”. Ayuu yiri wasiirka warfafinta oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id.Wuxuu soo hadal qaaday in la sameeyey shuruucdii la xiriirtay xaqijinta arrimahaasi badqabka saxafiga iyo saxaafadda Soomaaliyeed.

”waxaanu sameeynay dhamaan shuruucdii hay’adihii iyo xeerarkaasi  xaqiijin lahaa, hadafkaas iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ciribtirka la xisaabtan la’aanta xadguubyada Wariyayaasha iyo Warbaahintaba”. Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata  ayaa “yiri Annagoo kaashanayna ururada ay ku midaysan yihiin Wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo warbaahinta xorta ah, ururada bulshada rayidka ah ee dalka,waxaanu dhisnay guddi Qaran ee badqabka wariyaha (National Coordination Committee for safety of Somali Journalists), Soomaaliyana waxay noqotay wadankii ugu horreeyay ee bariga Afrika ee guddigaasi dhisa.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayuu sheegay wasiirku in ay xiriir dhow oo wada Shaqayn ah  la leedahay wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ururadooda,isagoo intaasi ku daray in sidoo kale ay wasaaraddu xoojinayso xiriirka iyo wada shaqaynta  ka dhexeysa Hay’adaha dowladda sida Booliiska, garsoorka,ururada Suxufiyiinta iyo wariyeyaasha,ayna diyaar u tahay inay hoggaamiso dadaalka Soomaaliya looga cirib tirayo ku xadgudubka wariyayaasha.

Ugu dambayntii wasiiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay  wasaaradda iyo howlwadeennadeeda  howsha ay qabteen iyo ururada suxufiyiinta oo ku guulaystay inay siyaasad ahaan ay hormuud u noqdaan Geeska Afrika , islamarkaana sameeyaan hab lagu ciribtiro xadgudubka Saxafiga iyo Saxaafadda, dhanka kale wasiirka ayaa  tacsi u diray eheladii iyo carrurtii ay ka tageen wariyeyaashii ku geeriyooday iyagoo shaqadoodi ku guda jiray.

“Samir iyo iimaan dhamaanteen Allaha naga siiyo, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga dhayo sida Ismaaciil Sheekh Khaliifa iyo wariyeyaasha la midka ah,Waxaan ballan qaadaynaa dowlad ahaan in aan ciribtirno xadgudubka xaqdarrada ah  ee loo gaysan karo wariye Shaqadiisa ku guda jira”. Ayuu yiri wasiir Maareeye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...