Yugaandha oo qorsheynaysa in ay Ciidamo hor leh usoo dirto Soomaaliya

Date:

Dowladda Yugaandha ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya usoo dirto Ciidamo Boliis ah, oo ka qeyb noqon doona howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Agaasimaha howl-gallada nabadda Boliiska Yugaandha, Grace Turyagumanawe, oo dhowaan booqasho ku yimid Muqdisha ayaa sheegay in uu Ciidankani ka qeyb qaadan doono sugidda ammaanka Dalka Soomaaliya.

Taliye ,Turyagumanawe ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu Muqdisho kula qaatay Saraakiisha howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya, si uu ugu kuur galo heerka shaqadooda nabad ilaalineed iyo tababarrada ay bixiyaan.

Grace Turyagumanawe , ayaa yiri”Diyaar garow ayaa socda si loo hubiyo in aan geyno qayb Labaad sida lagu heshiiyay dhowaan. waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan ku heli lahayn qalabka lagama maarmaanka ah.

Simon Mulongo, ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa kulanka ka sheegay in uu ku qanacsan yahay doorka ay Boliiska Yugaandha kaga jiraan nabad dhisidda iyo sare u qaadidda awoodda Boliiska Soomaaliya.

Ciidanka Boliiska midowga Afrika ayaa qorsheynaya in xilliga kala guurka ka hor ay Booliska Soomaaliyeed u diyaariyaan qalabkii ay ku howl-geli lahaayeen iyo tababarro dhammays tiran, si ay ammaanka Dalka iyo kala dambayntuba ula wareegaan marka ay Dalka ka baxdo AMISOM 2021-ka.

Ciidankan cusub oo aan tiradiisa la shaacin ayaa qeyb ka noqonaya Ciidamo Boliis Afrikaan ah oo horay Dalka Soomaaliya u joogay Soomaaliya, kuwaas oo ka kala socda Waddamada Uganda, Kenya, Nigeria, Sierra Leone , Zambia iyo Ghana, kuwaas oo ilaaliya xarumaha muhiimka ah tababarna siiya Booliska Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....