Guddiga Dhaqaalaha Wadajirka Ah Ee Turkiga Iyo Soomaaliya Oo Yeeshay Kulan-koodii Labaad

Date:

Shirka labaad ee Guddiga dhaqaalaha wadajirka ah ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa looga hadlay Iskaashiga dhaqaalaha laba dhinaclaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore iyo ka faa’iideysiga fursadaha jira.

Soomaaliya waxaa shirka uga qayb gelay wafdi heer wasiir ah oo horumuud uu u yahay wasiirka Qorshaynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, dhanka Turkiga-na waxaa uga qeyb galay wafdi kale oo wasiirka difaacu uu hoggaaminayo.

Shirka oo dhacay 30-31 October 2019 ayaa maalintii hore waxaa isugu yimid guddiyada farsamada ee labada dhinac.

kulanka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay horumarradii dhaqaale ee la gaaray iyo xariirrada dhaqaale, ganacsi, farsamo, dhaqan ee ka dhexeeya labada dowladood, waxaana la isla qiray in ay muhiim tahay in lasii adkeeyo iskaashiga

Shirka waxaa dhinac socday shir doceedyo wasiirradu ay la yeesheen wasiirrada dhiggooda ah ee dalka Turkiga.

Guddiga wadajirka ah ee dhaqaalaha Turkiga iyo Soomaaliya oo lagu aasaasay qodobka 7aad ee heshiiskii ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dowladood saxiixeen 22, 02, 2016, ayaa kulankii ugu horreeyay waxa ay January 11-12, 2018 ku yeesheen isla magaalada Ankara.

Labada dowladood ayaa horay u kala saxiixday heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dani ugu jirto labada dal iyo labada shacab.

            

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...