R/Wasaare Khayre oo Beesha Caalamka ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka fatahaadaha.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.

Mudane Xasan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaaladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leysaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen, ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan, burburiyeen kaabayaal dhaqaale, ugana sii dareen xaaladii bini’aadninimo ee horay u taagneyd, lana filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan, biyaha wabiguna ay sii sare marayaan, arrintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah.

Mudane Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...