Ururka Haweenka Qaranka oo kulan la qaatay Haweenka Degmada Shibis

Date:

Munaasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ujeedkeeda ahaa wacyigelinta bulshada iyo isdhexgalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ururka Haweenka Qaranka ayaa munaasabadda ku soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Ruwaayado iyo heeso ka turjumayo ahmiyadda ay bulshada u leedahay Nabadda.

Safiyo Maxamed Cali oo ah Guddoomiyaha Ururka haweenka Degmada Shibis ayaa waxaa ay uga mahadcelisay ururka haweenka Qaranka dadaallada wacyigalineed ee ay wadaan, waxa ayna sheegtay in haweenka Degmada Shibis iyo kuwa degmooyinka kale ay diyaar u yihiin  ka shaqeynta isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa ka warbixisay wacyigalinta ay mudooyinkaan wadeen Ururka haweenka, iyadoo sheegtay in waajibaad gaar ah uu ka saaranyahay wacyigelinta bulshada maadaama haweenku ay yihiin kuwa xog ogaal ah ahna lafdhabarka bulshada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...