Duqeyn lagu burburiyey baabuur siday Qaraxyo

Date:

Ciidammada Difaaca  Soomaaliya iyo saaxiibbadooda ayaa duqeyn ku burburiyey Baabuur ay Al-shabaab ku soo diyaariyeen Qaraxyo ay la damacsanaayeen caasimadda.

Saraakiil ka tirsan hey’adaha amniga ayaa xaqiijiyey in duqeyntan ay dhacday habeennimadii Axadda, waxaana laga geystay xaafado ku yaalla degmooyinka Saakoow iyo Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta ayaa sidoo kale lagu burburiyey laba xarumood mid qaraxyada lagu farsameynayey iyo xarun malleeshiyada Al-shabaab lagu tababari jiray.

Dad goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in ay maqleen dhawaaqa ilaa 7 Gantaal iyo rasaas, sidoo kalena degmada Bu’aalle laga arkayey holaca ay sideen Gantaallada oo bartilmaameed gaar ah lahaa.

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in Al-shabaab khasaaraha gaaray uu ballaaran yahay, ayna jirto dhimasho iyo dhaawac daran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....