Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Deegaano Ka Tirsan Sh/Dhexe

Date:

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka geystay deegaano ka tirsna Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hoos-taga magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaa, iyadoo inta badan dadkii deegaanka ee ku sugnaa isaga barakaceen.

Tuulooyin ku dhow 10 Tuulo ayuu saameeyay fatahaada wabiga Shabelle, waxaana ka mid ah Buurfuule, Buulo Sabuun, Muriyaale, Lama-Waab, Xudur Ciise, Kulmis Weyne, sidoo kale xaafado ka tirsan degmada Mahadaay ayuu wabiga ku soo fatahay.

Guddoomiyaha Tuulada Buurfuule C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in illaa 300 oo qoys ay ku barakaceen fatahaada, waxaana uu ugu baaqay Madaxda Hirshabeelle in gurmad degdeg ah lala soo gaaro qoysaska ku barakacay fatahaada.

Waxaa laga cabsi qabaa in fatahaada wabiga ay goyso wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kaddib markii daadadka ka dhashay fatahaada wabiga ay gaareen duleedyada magaalada Jowhar.

Fatahaadaha Wabiga Shabelle ayaa ka dambeeyay roobabka xilligan da’aya iyo wabiga oo biyo badan keenay, taasoo keentay inuu karkaar jabsado oo uu ku fataho deegaanada uu maro oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...