Fatahaadah Baladweyne oo isku badalay xaaladda Bani’aadnimo

Date:

Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa baaq udiray bulshada Soomaaliyeed ee Ku dhaqan gobollada Galmudug,Puntland iyo Soomaaliland maadaama garoonkii Baladweyne aysan diyaaraduhu ka dagi karin in kaalintooda ay ka qaataan in dadka dhibaateysan la garsiyo  gargaarka looga samatabixiinayo dhibta ka dhaltay Fataahadda Wabiga.

Guddiga ayaa ka  dayriyay xaaladda magaalada Berdaale ee gobolka Baay maadaama aysan magaaladaasi lahayn garoon diyaaradeed ayna ka mid tahay goobaha culeyska badani uu ka jiro.

Guddoomiyaha guddiga Xamsa Saciid ayaa sheegay in hadda ay heleen hal diyaarad oo Hilicopter ah oo ay maanta tagi doonto Baladweyne laakiin aysan Ku filneyn inay daboosho baahida jirta.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Cabdullaahi Goodax barre oo guddiga ka tirsan ayaa sheegay in guddigu go’aamiyay in maxkamad guurta la sameeyo taas lagu xakameyn doono cid kasta oo hunguriyeysa gargaarka dadka dhibaatadu soo gaartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...