Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Oo Furay Xafiiska Isku-duwidda Qorshaha Xalka Waara Ee Barakacayaasha

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta furay xafiiska isku dubba ridka qorshaha xalka waara ee qaxootiga iyo barakacayaasha.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka war bixiyay u jeedada loo furayo xafiiska, waxaana munaasabadda furitaanka goob joog ka ahaa wasiirrada gargaarka, arrimaha gudaha, waxbarashada, howlaha guud, iyo haweenka iyo guddoomiyaha guddiga qaran ee qaxootiga iyo barakacayaasha.

Deeq bixiyaasha iyo saaxiibada caalamka ee dowladda Soomaaliya oo iyana shirka ka qayb galay, ayaa amaanay qorshayaasha dowladda ee xal u helidda iyo maareynta barakacayaasha.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kudbaddiisa furitaanka xafiiska ku caddeeyay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda barakacayaasha, si ay u helaan nolosha ay u baahanyihiin ayna uga qayb qaataan hagaajinta mustaqbalka dalka.

Xal u helidda barakacayaasha ayaa kamid ah halbeegyada ugu muhiimta Tubta Horumarinta arrimaha bulshada oo kamid ah afarta tub qaran ee shaqooyinka dowladda lagu saleeyay

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...