Su’aalo Jeedinta Shirka Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha & Waxyaabaha Looga Dooday Kulankoodii Maanta

Date:

Mudada uu shirku socdo ayaa agaasimayaasha guud waxa ay ka hadlayaan qorshaha horumarinta qaranka (2020-2024), hiigsiga guud ee qaranka, gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed iyadoo mudada uu socdo lagu qiimeeynayo halka ay mareyso shaqada dowladdu iyo wixii ka qabsoomay qorshihii loo dejiyay wasaaradaha iyo tubaha Qaranka.

Su’aal jeedinta ayaa  4-aad iyo 5-aad  ee kusaabsan waxyaabaha u qabsoomay Dowladda, Qorshayaasha la doonayo in la fuliyo, horumarka la sameeyay nidaamka dayn Cafinta iyo qodobo kale oo dhammaan la doonayo in Dowladdu fuliso.

Shirkaan ayaa noociisa kii ugu horeeyay ay  kulmaan Agaasimayaasha dowladda waxaana Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud XF Soomaaliya Axmed Maxamed Imaan oo ka hadlay madasha shirka uu sheegay inuu yahay fursad ay isku dhaafsadaan Xogaha.

Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi Xoghayaha Joogta Xafiiska R/Wasaaraha oo soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in shirkaan uu ku tiirsan yahay qaabka loo mideyn lahaa shaqada Dowladda oo loo qabto sidii loogu talo galay.

Wasiirka Maaliyadda XF Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Agaasimayaasha ay lafdhabar u yihiin shaqada Dowladda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XF Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo Shaqaalaha Dowladda taasi oo meesha ka saareysa inaan shaqada loo qaban sidii loogu talo galay.

Shirkaan Maalinta beri waxaa ka qeyb-galidoona Agaasimayaasha Guud ee Dowlad goboleedyada Maalinta sabtida ah uu beegan 26-ka bishaan waxaa noqon doonaa Shir guud ee u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyadoo ay soo xiridoonaan Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...