Guddiga Farsamada Ee ay Magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Gaaray Dhuusamareeb

Date:

Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug oo ay dhowaan magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Guddigan oo ka kooban 13 xubnood ayaa diyaarad khaas ah looga qaaday Muqdisho, iyadoo xilligii ay ka dagayeen garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Guddigan ay kulamo la yeelan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha dhaqanka, waxaana wixii hadda ka dambeeya ay guda geli doonaan howsha la xiriirta soo xulidda liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...