Xaaladda Wabiga, Dhibaatooyinka uu ka gaystay Hirshabeelle & khatar laga digay

Date:

Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa ka hadashay dad badan oo ku barakacay Fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle kadib roobab xoogan oo ka da’ay gobolladda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Cabdi-Mahad Qoorgaab Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Hirshabeelle oo arimahaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadka qaarkood xaladooda aad u liidato una baahan yihiin Gargaar deg deg ah.

17-kii Bishaan October ayuu Fatahaad Wabiga Shabeelle ka bilaabay Magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taas oo sababtay in Afarta xaafadood Fatahaadu wadagaartay dad badan ayaa guryahooda isaga baxay iyaga oo cabsi ka qaba in xaaladdu ku sii xumaato.

Gobolka Shabeellaha Dhexe markii aan eegno waxaa jirta in degmada Mahadaay ee gobolkaas Wabigu meelaha qaar dhinacyadda jabsaday Biyuhuna ku fataheen qaybaha kala duwan ee Mahadaay, Sidoo kalena waxaa xirmay Waddooyinkii muhiimka ahaa ee magaalada taas oo sidoo kale sababtay in dadka qaarkood la soo samatabixin waayo.

Biyaha ku fatahay Mahadaay ayaa baaba’iyey Boqolaal Tacab oo dhul Beereed ah kuwaas Beeraleydu Qorsheynayeen in dhawaan soo gurtaan Balse ma’aysan dhicin taas, Dalagyada Baaba’ay waxaa kamid ah Digir, Ganley, Qare iyo kuwo kale oo muhiim u ahaa dadka.

Heerka socodka Wabiga ee Biyaha ayaa maraya heerkii ugu dambeeyey waxaana uu gaaray 7.3 cabirka biyaha, Waxaana jirta cabsi ah in qatartu in taan ka badan karto maadaama xowliga Biyaha ka imaanayaan dalka Ethopia.

Sanadkii 2017 ayaa Fatahaad uu sameeyey Wabigu ayaa waxaa waxyeelo ay ka soo gaartay in ka badan kun qof sida aan ka soo xiganay Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle hadana waxaa muuqata in xaaladdu middii oo kale u egtahay.

Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa Warsaxaafadeed kasoo saaray arrintan waxaana uu sheegay Wasiirka Gargaarka Mudane Qoorgaab in dadka ugu baaqayaan in foojignaan dheeraad ah muujiyaan.

Sidoo kale Dowladda Dhexe ayey ugu baaqeen xaaladda soo faragaliso si-dadka iyo deegaanka loo badbaadiyo una dhicin in Fatahaada Wabiga iyada oo laga hortagi karo aanan laga gaabin xaaladda.

Dadka hadda Bakacay ayaa waxaa ay u baahan yihiin Nolol, Hoy, daryeel Caafimaad iyo in si dhow looga warqabo xaaladooda dhinaca Nolosha ah.

dadka qaarkood ayaa waxaa isaga carareen Goobahoodii Ganacsi iyaga oo aan ka qaadan alaabtii kala duwan ee dhextaalay maadaama Biyuhu si-kadis ah ku soo galeen.

Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa hadda sii-bilaabay in gargaar sii gaarsiiyaan dadka Banaanka uga baxay Baladweyne, Mahadaay iyo deegaano kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...