Wasaaradda Howlaha Guud Oo Maalintii labaad Wada Tababarka Tayeynta Qorshaha Istraatiijiyadda

Date:

Siminaarkan oo socon doona saddex maalmood ayaa ujeedkiisu yahay dejinta qorshaha Istraatiijiyadda shaqo ee Wasaaradda iyadoo mudada uu socdo tababarka ay daruus ka dhigi doonaan khuburo aqoon durugsan u leh tababarka.

Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Shaqaalaha Wasaaraddaasi, iyadoo mas’uuliyiintu ay sheegeen in ay ahmiyad siinayaan sidii loo tayeyn lahaa shaqada Wasaaradda iyo shaqaalaheeda, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Axmed Maxamed Imaan oo si kooban u sharaxay ujeedka tababarkan, ayaa xusay in maalmaha uu socdo tababarkan ay xoogga ku saari doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada qorshaha Istraatiijiyadda shaqo ee Wasaaradda.

Mudane Cabdi Aadan Hoosoow Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya  oo la hadlay shaqaalaha ayaa sheegay in looga baahan-yahay shaqaalaha in ay wax badan faa’iideystaan si ay kaalintooda uga qaataan dib u dhiska dalka.

“Maalintii aan imaanayay xafiiska waxaan ballan-qaaday shaqo, Warka aniga shaqada ayaan ka jeclahay, Wasaaraddan waxaa ay shaqadeedii tahay in dalkaan oo dhan ay dhisto, Wakaalado badan ayaa ka baxaya, tayaynta shaqaalaha iyo agaasime waaxeedyada waa arrin aad muhiim u ah, si ay waajibaadkooda u gutaan, shaqaalaha haddii aysan tayaysnayn waxba ma qaban karaan, qof aan wax maamuli karin oo aan tayo lahayn ma joogi karo”. Ayuu yiri Wasiir Hoosoow.

Tani ayaa dhiirogelinaysaa in howlaha shaqo ee Wasaaradda ay noqdaan kuwo leh tayo sare oo loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...