Wasiirka Warfaafinta Qaranka oo xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Dhigiisa Jabuuti iyo wafdi uu hugaaminyay.

Date:

Wasiirka warfaafinta Qaranka Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} ayaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon oo shalay soo gaaray caasimadda.

Wafdiga wasiirka Warfaafinta Jabuuti oo uu wehliyay safiirka Jabuuti u fadhiya dalkeena iyo masuuliyiin kale ayaa qayb qeyb u booqday waaxyaha Warbaahinta Qaranka oo ay ku jiraan TV ga, radio Muqdisho iyo Keydka baaxada weyn ee Radiyaha oo xasuus gaar ah uleh dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti halkaas oo ay masuuliyiintu intii ay booqanayeen Keydka dhageysteen heeso iyo gabayo fanaaniinta Soomaaliyeed ay qaadeen kuwaas oo lagu dhiiri galinayay gobanima doonkii Jabuuti oo Soomaaliya hormuud ka ahayd.

Masuuliyiinta wasaaradda oo uu hormuud u yahay wasiir Maareeye ayaa wafdiga Jabuuti warbixin ka siiyay shaqooyinka Qaranka ay wasaaradu u hayso iyo qaabka ay u shaqeyso wasiir Bahdoon iyo wafdigiisa ayaana uga mahad celiyay madaxda wasaaradda soo dhaweyntooda.

Intaa ka dib wasiirka Warfaafinta Mr Maareeye ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdigaa sare ee nooga yimid walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay ka wada hadleen sidii dowladda Jabuuti gacan uga geysan lahayd tayeynta iyo xoojinta warbaahinta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...