Wasiirka Warfaafinta Qaranka oo xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Dhigiisa Jabuuti iyo wafdi uu hugaaminyay.

Date:

Wasiirka warfaafinta Qaranka Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} ayaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon oo shalay soo gaaray caasimadda.

Wafdiga wasiirka Warfaafinta Jabuuti oo uu wehliyay safiirka Jabuuti u fadhiya dalkeena iyo masuuliyiin kale ayaa qayb qeyb u booqday waaxyaha Warbaahinta Qaranka oo ay ku jiraan TV ga, radio Muqdisho iyo Keydka baaxada weyn ee Radiyaha oo xasuus gaar ah uleh dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti halkaas oo ay masuuliyiintu intii ay booqanayeen Keydka dhageysteen heeso iyo gabayo fanaaniinta Soomaaliyeed ay qaadeen kuwaas oo lagu dhiiri galinayay gobanima doonkii Jabuuti oo Soomaaliya hormuud ka ahayd.

Masuuliyiinta wasaaradda oo uu hormuud u yahay wasiir Maareeye ayaa wafdiga Jabuuti warbixin ka siiyay shaqooyinka Qaranka ay wasaaradu u hayso iyo qaabka ay u shaqeyso wasiir Bahdoon iyo wafdigiisa ayaana uga mahad celiyay madaxda wasaaradda soo dhaweyntooda.

Intaa ka dib wasiirka Warfaafinta Mr Maareeye ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdigaa sare ee nooga yimid walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay ka wada hadleen sidii dowladda Jabuuti gacan uga geysan lahayd tayeynta iyo xoojinta warbaahinta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...