Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Maalinta cuntada aduunka oo Muqdisho laga xusay.

Date:

Qeybaha kala duwan ee cunooyinka uu dalkeenu hodanka ku yahay  heeso iyo ruwaayada ka tarjumaya qiimaha beeraha iyo wax soo saarka  ayaa lagu soo bandhigay xafladan  oo lagu xusayey laba munaasabadood oo kala ah Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo maalinta cuntada aduunka.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, aqoonyahano, beeraley, ganacsato, Hey’addo caalami ah  iyo marti sharaf kale.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya  Saciid Xuseen Ciid oo munaasabadda daahfuray ayaa tilmaamay inay wadaan dadaalo iyo sharciyo lagu horumarinayo beeraha si uu dalkeenu u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi sheekh Cali (Qaloocow) Ayaa ku taliyey in beeraha la tabcado Lagana faa’iideysto aqoonta aqoonyahanada iyo qubaradii hore ee dalka.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji  Cabdi  Ayaa beeraleyda soomaaliyeed ku dhiiri geliyey inay kordhiyaan wax soo saarkooda si looga maarmo Cuntooyinka dalka dibadiisa laga keeno.

Ugu dambeyn munaasabadda ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay shaqsiyaad ay Wasaaraddu u aragtay inay qeyb ka qaateen horumarinta beeraha iyo wax soo saarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...