Golaha Wasiirrada oo ansixiyay hubinta iyo tirakoobka Shaqaalaha Dowladda iyo qodobba kale

Date:

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa meel mariyay natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda iyo xeer nidaamiyaha Machadka Caafimaadka Dalka, ka dib kulankoodii Khamiislaha ahaa ee ay Shalay ku yeesheen Muqdisho.

Wasiirrada caafimaadka iyo shaqada, ayaa Golaha uga mahad celiyay ansixinta natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha Dowladda iyo xeer nidaamiyaha Machadka caafimaadka Dalka oo ka qayb qaadanaya dedaallada horumarinta arrimaha Bulshada ee Dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 2018 iyo 2019 waxa ay tikarboob madax ka tirin iyo diiwaan gelin la socotay ku sameysay shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Kulanka Golaha oo uu Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa sidoo kale looga hadlay amniga Dalka, tayeynta waxbarashada iyo heerka uu marayo wajiga Labaad ee dib-u-habeynta ciidamda qalabka sida ee Dalka.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...