Shir ay isugu imaadeen in ka badan 80 Wadan oo ay Soomaliya qayb ka tahay ayaa maanta ka furmay Wadan ka Swezerland” sawirro”

Date:

Shir ay isugu imaadeen in ka badan 80 Wadan oo ay Soomaliya qayb ka tahay ayaa maanta ka furmay Wadan ka Swezerland gaar ahaan Magaalada Geneva.

Goobta uu Shirka ka furmay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiir Ku Xigeen ka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta ee DFS Maxamud Cabdiqaadir Hilaal Iyo Safiir ka U fadhiya Soomaaliya Geneva Ebyan Ladane iyo xubna kale ka qayb galay Shirka.

Sida uu sheegay Wasiir ku Xigeen ka Shirkan inta uu socdo ayaa diirada lagu saari doono arimaha Macdanta Caalam ka gaar ahaan In la soo bandhigo Warbixin sanadeed ku aadan Saamaynta dhaqan dhaqaale, degaan iyo cimila ahaan ku yeelatay shaqada macdanta Wadamada ay ka hawl galaan shirkadaha ka ganacsado Macdanta iyo In kor loo qaado door ka kobaca dhaqaale ee uu wadan kasta ku leedahay Macaadanta iyo sida uu uga faa’iidan karo.

In La dhiiri galiyo Shirkada ba ganacsado Macdanta heerar kooda kala duwan gaar ahaan ku yar yar iyo in Dwladaha ay u fudu deeyaan imkaaniyaad ka ay u baahanyihiin si wax soo saar ka Macdanta caalam ka kor ugu kaco.

Si lamid ah in Dowladaha Macdanta leh ama soo saaro ay Siyaasad cad u sameeyaan wada shaqaynta Shirkadaha Macanta ka shaqaysta iyo Shacab ka degan degaanada ay ka hawl galaan si wada jir ahna loo ilaaliyo bad qabka Bay’ada degaan kaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...